11:43 pm - Thursday July 27, 2017

Chelsea iyo Man City Oo Ku Biiray Dagaalka Real Madrid Ee Oubameyang

Abdiwahab Ahmed

aubameyang1

Kooxaha ka dhisan waddanka Ingiriiska ee Manchester City iyo Chelsea ayaa ku biiray dagaalka loogu jiro helidda weeraryahanka Borussia Dortmund ee Peierre-Emerick Aubameyang oo la filayo in uu kooxdiisa ka tago dhamaadka xili ciyaareedka.

Kooxda ka dhisan waddanka Germany ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u tahay in marka uu xili ciyaareedkani dhamaado ay iibin doonto Aubaeyang oo ay xiisaynayaan kooxo badan oo ay ku jiraan kuwa dunida ugu lacagta badan, kuwaas oo ay hadda kubiireen Chelsea iyo Manchester City.

Ciyaartoygan oo ah xiddiga qaaradda Afrika, ayaa la sheegayaa in kooxdiisu ku iibinayso lacag dhan £65million, kaddib markii uu 87 gool u dhaliyey 152 ciyaarood oo uu u saftay.

City ayaa xiisaha ay u qabto 27 jirkan soo bandhigtay bishii August, laakiin waxa ay loollan adag kala kulmi doontaa Real Madrid iyo PSG, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in Dortmund aanay doonaynin in ay ciyaartoy kale u ogolaato in uu ka tago kaddib markii ay xagaagii ka dhaqaajiyeen Henrikh Mkhitaryan iyo Mats Hummels.

Aubameyang ayaa dhower jeer oo hore soo bandhigay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid, laakiin waxa suurtogal ah in damacaas uu kala-dhantaalo ganaax Real lagaga xayiray suuqa kala iibsiga inta ka horreysa bilowga sannadka 2018.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Reina Oo Hanjabaad Huwiyey Diego Costa

Graziano Pelle Oo Laga Eryey Xulka Talyaaniga Iyo Sababta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: