Chelsea Iyo Manchester City Oo Ku Tartamaya Heshiiska Laacibka Reer Brazil Ee Nathan

Chelsea ayaa dooneysa in ay kaga guuleysato Manchester City heshiiska laacibka hibada ciyaareed leh ee reer Brazil ee Nathan.

Weeraryahankan reer Brazil oo bishii hore ay da’diisu noqotay 19 jir, ayaa muran ka dhex taagan yahay kooxdiisa Atletico Paranense, taas daraadeedna waxa la hadal hayaa in uu ka tegi doono kooxdaas, iyadoo toddobaadkii horena ay wada hadleen masuuliyiin ka tirsan kooxda Chelsea oo doonaya in ay sannad amaah ku soo qaataan ka hor inta aan heshiis rasmi la kala saxeexanin.

Manchester City ayaa laba sannadood ka hor isku dayday in ay ciyaartoygan heshiis la gasho markii uu dhamaaday koobkii adduunka ee da’yarta ka sooseeya 17 jirka, waxaase wakhtigaas kaga guuleysatay Paranaense oo uu ka mid noqday kooxda koowaad.

Sida uu warku sheegayo, Chelsea ayaa kaga dhow Manchester City marka la eego xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay ciyaartooyada Brazil, iyadoo ay hadda ku sugan yihiin Willian, Ramires, Filipe Luis iyo Oscar oo dhamaantood u dhashay Brazil, iyo waliba 21 jirka Lucas Piazon oo amaah ay ku siisay Eintracht Frankfurt. Waxa kale oo isna jira difaacyahanka Wallace oo amaah kaga maqan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Busquets Oo Ka Hadlay Guul la’aantii Kooxdiisa Ee Sevilla iyo Cidda Uu Eedda Saaray

Manchester United oo £57million Ku Dooneysa Cavani Iyo Silva

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com