Halkee ayey ku dambeeyeen Xiddigihii Koobka Ku Guuleystay?

Line-upkii Chelsea ee ku guuleystay koobka Champions League 2012

2012 ayaa Chelsea loo caleemo saaray horyaalka Yurub iyadoo ay hoggaaminayaan xiddigo badan oo wakhtigaas aan loo saadaalinaynin inay guushaas gaadhi karayaan, hase yeeshee, ciyaaryahannadaas waxa hadda ka jooga laba kaliya, inta kalena way ka tageen.

John Obi Mikel oo ugu dambeeyey ciyaaryahannada ka huleelay ee qaybta ka ahaa ciyaartii kama dambaysta Champions League ee sida layaabka leh uga qaaday Bayern Munich ayaa u wareegay horyaalka waddanka China.

Cary Cahill iyo David Luis oo kaliya ayaa ka mid ah ciyaaryahannadii habeenkaas ciyaaray ee hadda jooga Chelsea, iyadoo kabtan John Terry iyo Branislav Ivanovic aanay nasiib u yeelanin inay garoonka cagta soo geliyaan habeenkaas taariikhiga ah, maadaama ganaax ay dusha sare ee daawadeyaasha ku fadhiyeen.

Tababare ku-meelgaadh ah oo loo magacaabay Roberto Di Matteo ayaa nasiibku siiyey inuu noqdo macallinka guushaas u horseeda Chelsea, isagoo gacan ka helaya libaaxa ku suntan calanka kooxda iyo koobabka ay qaadday ee Didier Drogba oo dhaliyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee koobka ay ku qaadeen.

Ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena, ayaa waxay shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL ay dib u milicsanaysaa halka ay ku dambeeyeen ciyaaryahannadii habeenkaas u ciyaaray Chelsea oo laba kali ahi ka joogaan kooxdaas.

Goolhaye: Petr Cech – wuxuu ka tegay Chelsea sannadkii 2015 oo uu ku biiray Arsenal, haddana uu udub-dhexaadkooda ka mid yahay.

Difaaca Midig: Jose Bosingwa – Markii koobka ay qaadeenba waa uu ka tegay, wakhtigana waxa uu raadinayaa koox uu u ciyaaro.

Difaaca dhexe: Garry Cahill & David Luiz – Waa labada ciyaartoy ee kaliya ee jooga Chelsea, iyadoo uu Luiz dib ugu soo laabtay kaddib sannado uu u ciyaaray PSG.

Difaaca bidix: Ashley Cole – 2014 ayuu ka tegay Chelsea, isagoo ku biiray Roma, wakhtigana wuxuu u ciyaaraa LA Galaxy oo waddanka Maraykanka ka dhisan.

Khadka dhexe (dhinaca midig): Salomon Kalou – Habeenkii damaashaadka kaddib ayuu ka tegay kooxdiisa, wakhtigana waxa uu ka mid yahay kooxda Hertha Berlin ee waddanka Germany.

Khadka dhexe (badhtamaha): John Obi Mikel – Toddobaadka u horreeya sannadka cusub ee 2017 ayuu ka tegay Chelsea, waxaanu ku biiray naadiga reer China ee Tianjin TEDA.

Khadka dhexe (Badhtamaha): Frank Lampard – Sannadkii 2014 ayuu si xor ah uga wareegay horyaalka waddanka Maraykanka, wakhtigana koox uu u ciyaaro ayuu raadinayaa.

Khadka dhexe (bidixda): Ryan Bertrand – Shandaddiisa ayuu qaatay sannadkii 2015, waxaanu wakhtigan ka tirsan yahay Southampton.

Weerarka dhexe: Juan Mata – 2014 ayuu u wareegay Manchester United.

Weerarka hore: Didier Drogba – Sannadkii 2012 markii uu damaashaadka taariikhiga ah dhamaystay ayuu ka tegay, laakiin ayuu mar dambe ugu soo noqday, sannad uu u ciyaaray kaddibna 2015 ayuu mar labaad ka dhaqaajiyey. Wakhtigan, ma jirto koox uu u ciyaaro, kaddib markii uu ka tegay naadigiisii reer Canada.

Ciyaaryahannadii beddelka kusoo galay:

Fernando Torres – wuxuu ka tegay 2015

Florent Malouda – 2013 ayuu ka tegay, wakhtigana waxa uu ka tirsan yahay naadiga Wadi Degla.

Ciyaaryahannadii kaydka fadhiyey ee aan garoonka soo gelin:

Ross Turnbull – 2013 ayuu shandadiisa qaatay, wakhtigana waxa uu u ciyaaraa Leeds United.

Paulo Ferreira – 2013 ayuu ka tegay, ciyaaraha ayuu wakhtigana ka fadhiistay.

Michael Essien – 2014 ayuu ka tegay.

Oriol Romeu – 2015 ayuu ka tegay, waxaanu ku biiray Southampton oo uu u ciyaaro hadda.

Daniel Sturridge: 2013 ayuu u wareegay Liverpool oo uu ka mid yahay weeraryahannada ay wakhtigan guusha ka sugto.

Kooxdii Bayern Munich ee habeenkaas la ciyaaray Chelsea (xiddigaha magacooda la madoobeeyey wali Munich way u ciyaaraan.): NeuerLahmBoateng, Tymoschuk, Contento; Schweinsteiger, Kroos; RobbenMullerRibery; Gomez.

Ciyaartooyadii beddelka kusoo galay (Ciyaartooyada magacooda la madoobeeyey, wali way u ciyaaraan Munich): Butt, Van Buyten, Rafinha, Usami, Pranjic, Petersen, Olic.