Chelsea Oo £40m Dul-Dhigtay Diego Costa

Diego Costa OoKooxda Chelsea ayaa qaaday talaabadii koowaad ee heshiiska ay ku doonayso inay ku soo xero galliso gool-dhaliyaha kooxda Ateltico Madrid ee Diego Costa.

Kooxaha dilaaliinta labada dhinac ayaa la sheegay inay isla waafaqeen in xidigan qiimaha Chelsea ku qaadanaysaa uu noqdo €36 m ( Lix iyo sodon Milyan oo Yuuro), iyadoo kulan koox labada dhinac ka socota dhex marayna la isku afgartay inay hawsha wareegista ciyaaryahankani noqoto dhamaadka xili ciyaareedkan.

Kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa aad u danaynaysa inay xidigan hawshiisa soo afmeerto ka hor inta aan la gaadhin mashquulka ciyaaraha koobka aduunka ee xagaaga soo socda ka bilaabmaya wadanka Brazil.

Kadib markii laacibkan dhalasho ahaan ka soo jeeda Brazil uu doortay inuu qaato dhalashada wadanka Spain , halkaas oo uu rajaynayo inuu wacdaro ka dhigo oo u difaaco xulka wadanka Spanish-ka , guusha koob aduunkii 2010.

Costa ayaa soo gallay diirada masuuliyiinta Blues-ka , kadib markii kooxdiisu sanadkan ay ka mid noqotay 8-da naadi ee ku hirdamaya horyaalka Yurub ee Champions League iyo waliba dagaalka qadhaadh ee ay Atletico ugu jirto hogaaminta horyaalka Spanishka ee La Ligaha sanadkan.

25 jirkan ayaa u dhaliyey Atletico Madrid 31 gool xili ciyaareedkan 41 kulan oo uu u saftay, waxaanu leeyahay 23 gool horyaalka La Liga , waana laacibka labaad ee ku tartamaya kabta dahabka ah sanadkan , waxaana ka horeeya oo uu eryanayaa Cristiano Ronaldo oo isagu 26 gool leh.

Kooxda Chelsea oo ku hungowda had iyo jeer xidigaha afka hore ee ay soo iibsato , horena ay u soo mareen weeraryahanadii ugu fiicnaa dunida ee ay kamidka ahaayeen , Hernan Crespo, Adrian Mutu, Mateja Kezman, Andriy Shevchenko iyo Fernando Torres balse dhamaantood faa’iido wax ku ool ah keeni waayay , ayaa waxay rajo fiican ka qabtaa in Diego uu noqdo mid u horseeda naadiga Iftiinkii ay ka weyday laacibadaas isaga ka horeeyey oo marka loo eego kooxohoodii hore siday ugu ciyaari jireen , dhamaantood wada ahaa weeraryahanada loogu baqdinta badan yahay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Vidal: Waxaan Joogayaa Juventus Si Aan Champions League U Qaado

Maradona: Jecliyaa Inaan La Shaqeeyo Guardiola

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com