7:03 am - Sunday August 20, 2017

Liverpool 0-2 Chelsea – The Blues Oo U Awood Sheegatay Liver oo Joogta Anfeild

Aidarous

Khalad uu sameeyey kabtanka kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa u ogolaaday weeraryahan Demba Ba inuu ka faa’iidaysto oo shabaqa ku hubsado goolkii furitaanka ciyaarta hoosna u dhigo rajadii Liverpool ee hanashada horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ibo furna u ahaa guul laxaad leh oo Chelsea uga soo xaroota garoonka Anfield.

Liverpool vs ChelseaLiverpool ayaa cadaadis layaableh saartay kooxda Mourinho laakiin ay qaadan waa ku noqotay adayga iyo xooga difaaca Chelsea , si kastoo ay u saarnaayeen culays , kubad dhamaadkii ciyaarta ay la daba mareen weeraryahanada Chelsea guud ahaan xidigaha Liverool oo mashquul ku noqday soo celinta goolka barbar dhaca ah , isla markaana dhamaantood hor tubnaa goolka The Blues ayaa ku war helay kubad cidlo ay la sii socdaan weeraryahanada Fernando Torres iyo William oo aakhirkii goolwadaha daba mariyey kubad uu ka helay saaxiibkii Fernando, kaas ayaanu ahaa goolka gunaanadku.

Chelsea ayay guushani u suuto gallinaysaa inay soo koobaan dhibcaha ay hogaanka ku haysay Liverpool , waxaanay fursad qaali ah u tahay kooxda Manchester City oo imika la ciyaaraysa Crystal Palace.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsenal Oo dadaalkii ugu dambeeyay ugu jirta inay Sagna ku qanciyaan heshiis cusub

‘Mid dhib malahee, Waxay Ila tahay inay laba bus ku gudbeen goolkooda’: Tababaraha Liverpool Rodgers

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: