Chelsea Oo Noqotay Kooxda Ugu Akhlaaqadda Xun Premier League

Chelsea oo ku xoontay garsoore

Chelsea oo ku xoontay garsoore

Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu dhaqanka xumayd horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League xili ciyaareedkan, kadib markii la qiimeeyey sida ay ula macaamilaan garsooreyaasha ciyaaraha.

Tirooyin rasmi ah oo la sameeyey ayaa muujiyey in Chelsea ay tahay kooxda ugu liidata marka ay noqoto addeecidda go’aamada garsooreyaasha dhexdhexaadinaya ciyaaraha, waxaana sida ay warbixintani muujisay ay ciyaartooyada Mourinho ku soo xoomaan garsooraha iyagoo muujinaya gadood marka uu khalad ku qabto ama uu u qaban waayo khalad laga galay.

Chelsea oo cadaadis ku saaraysa garsoore in uu kaadh siiyo Veratti

Chelsea oo cadaadis ku saaraysa garsoore in uu kaadh siiyo Veratti

Sida ay shaacisay warbixintani, ciyaartooyada Chelsea kuma koobnaadaan oo kaliya inay ku xoomaan garooraha ee waxay xattaa u tagaan iyagoo gadoodsan kaaliyeyaasha garsooraha (Calanwadeyaasha).

Ciyaartooyada Chelsea oo mudaharaad ku samaynaya garsoore

Ciyaartooyada Chelsea oo mudaharaad ku samaynaya garsoore

Ciyaartooyada ugu akhlaaqadda wanaagsan ayay warbxintan oo uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ay sheegtay in ay tahay Liverpool oo qaabkii ay garsooraha u ixtiraameen labadii ciyaarood ee ay la kala yeesheen Burnley iyo West Brom ay ka dhigtay inay akhlaaqad ahaan aad u dhisan yihiin.

Sunderland, Arsenal iyo Stoke City, ayaa iyagana aanay wanaagsanayn ixtiraamka ay u muujiyaan garsooreyaasha. Waxa ku xiga oo akhlaaqdoodu liidataa kooxaha Aston Villa, Hull City, Tottenham, Swansea, Leicester City iyo Southampton.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Benzema Oo Dhaawac Kaga Maqnaanaya Ciyaaraha Malaga iyo Atlético Madrid

Ancelotti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa, Casillas, Navas, AC Milan iyo Berlusconi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com