Chelsea oo racfaan ka qaadanaysa casaankii John Terry

Chelsea ayaa racfaan ka qaadanaysa, kaadhkii casaa ee ciyaaryahan John Terry Axadii lagaga saaray kulankii ay ku karbaasheen Peterborough ee wareega saddexaad ee FA Cup-ka.

Difaacyahankan hore ee xulka England ayuu casaan toos ah ciyaarta kaga saaray, garsoore Kevin Friend kadib markii uu xanaaqadeeyey Lee Angol oo goolka oo banaan kubbad kula sii baxaya qaybtii dambe ee ciyaartan ku dhamaatay 4-1 Chelsea guushu ku raacday.

Waxaa soo baxay warar xaqiijinaya in Chelsea shaacin doonto racfaankeeda, maalinta Salaasada ah ee Maanta.

Haddii racfaanku fuli waayo ama lagu diido, 36 jir, Terry, wuxuu mudan doono kulan ganaax ah, isagoo sidaas ku seegi doonta ciyaarta Sabtida ay Leicester la ciyaari doonaan ee horyaalka Premier League.

In kastoo xanaaqada ciyaaryahankani sababtay in la siiyo casaan toos ah, haddana Terry ma wajahi doono saddex kulan oo ganaax ah, maadaama oo aanay xanaaqadu ahayn mid badheedh u muuqata, isla markaana aanu casaan hore qaadanin xili ciyaareedkan.

Guusha Chelsea ee FA Cup ka ayaa ahayd kulankii ugu horeeyey tan iyo Bishii October uu Terry Safto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Daawo: Oklahoma City Thunder Oo Ku Durdurisay Chacago Bulls

prev-next.jpg

“Waan Ka Xumahay In Ciyaartoyga Barcelona Ka Maqnaadaan Xafladda, Waanse Dareemi Karaa” – Ronaldo Oo Ka Xumaaday In Messi Ka Maqnaado Xafladdii Lagu Caleemo Saaray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com