8:25 am - Saturday August 19, 2017

Chelsea Oo Waxaanay Filayni Ka Qabsaday Paris Iyo Real Oo Martideedii Si Bilaa Naxariis Ah U Garaacday

Aidarous

Kooxda kubada cagta Paris Saint Germen ayaa dhirbaaxo ay adag tahay siday uga soo kabataa ku baday kooxda Chelsea garoonka naadiga Paris oo ay habeenkii xallay isku haleeleen is aragii koobaad ee rubuc dhamaadka horyaalka Champions League.

BIlowgii CIyaarta

Ezequiel Lavezzi ayaa daqiiqadii afraad ee ciyaarta gool aad u qurux badan hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa PSG, laakiin weeraryahanka Eden Hazard ayaa beeniyey taasi oo Chelsea la simay PSG kadib markii uu kubad rigoodhe ah oo loo dhigay u bedelay gool.Chelsea oo u dabaal-degaysa goolkii Barbardhaca

1-1 ciyaarta oo maraysa ayaa la gallay nasashadii qaybta hore , markii la isu soo noqdayna kooxda PSG ayaa la timid laba gool oo mid kamid ah uu iska dhaliyey difaaca kooxda Blues ee David Luiz ka kalena uu shabaqa dhigay laacibka bedelka ku soo ciyaarta ee Javier Pastore ayaa ka dhigay ciyaartii xallay ee Paris Saint Germain iyo Chelsea inay ku dhamaato 3-1 ay guushu ku raacday kooxda Faransiiska ah.Chelsea oo u dabaal-degaysa goolkii BarbardhacaEdinson  Cavani oo lagu dhex xanaaqadeeeyey diilinta 18 aad laakiin aan lo qaban Ezequiel Lavezzi -kubada laagaya- oo shabaqa ku hubsanaya goolkii ay PSG hogaanka ku qabatay Hazard oo isla xoodaya laadkii rigoodhaha ee uu goolka u bedelaySidii uu ku yimid Rigoodhaha Chelsea loo dhigay

MOurinho Oo Xaaladu Jiq ku tahay Madaxweynihii Hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo Ilka cadaynaya ciyaartana daawanayaDhinaca kale, kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Bernabeu ku garaacday kooxda Germalka ah ee Borussia Dortmund.

Saddex gool oo laba kamid ah ay qaybtii hore ee ciyaarta u kala dhaliyeex weeraryahanada Madrid ee Gareth Bale iyo Isco iyo gool uu bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta shabaqa dhigay xidiga aduunka Cristiano Ronaldo ayaa u horseeday kooxda Boqortooyada Spanishka ee Real Madrid inay 3-0 ku dirto kulanka lugta hore ee Quarter Finelka horyaalka naadiyada Yurub.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pep: United ‘waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican caalamka’

Mourinho Ka Qosliyey Warbaahin Wax Ka Weydiisay Guuldaradii PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: