Chelsea Oo Xalay Qabatay Xaflad Lacag Loogu Ururiyey Carruurta Afrika

ChelseaCiyaartooyada Chelsea ayaa xalay qabsaday xaflad ay ugu damaashaadayeen guushii ay ka gaadheen ciyaartii fiidkii hore dhex martay Manchester United, taas oo ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Chelsea.
Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen guddida Sadaqada ee uu sameeyey Didier Drogba oo lagu qabtay Hotelka Dorchester eek u yaala magaalada London, ayaa wax aka soo qayb galay ciyaartooyada Chelsea oo ay la socdaan xaasaskooda.
Hazard, Cech and DrogbaXafladdan oo lacag loogu ururinayey Hay’adda Sadaqada ee Didier Drogba Foundation ayuu laacibka reer Ivory Coast ee Drogba ka soo qayb galay isagoo ku lebbisan dhar madow oo aad u qurux badan.
Eden Hazard, Petr Cech, Branislav Ivanovic, Nemanja Matic iyo Kabtanka Chelsea ee John Terry ayaa dhamaantood ka qayb galay xafladda isla markaana ku yaboohay lacago loogu talo-galay da’yarta reer Afrika, taas oo wax lagaga qaban doono adeegyada caafimaadka iyo in ay helaan waxbarasho.
Xafladdan waxa kale oo ka qayb galay weeraryahankii hore ee Arsenal ee Thierry Henry, Xiddigii reer Holland ee Edgar Davids, Jermain Defoe iyo laacibkii hore ee Manchester ee Louis Saha.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luka Modric Oo Aan Ciyaari Doonin Inta Ka Hadhay Xili-ciyaareedkan

Gareth Bale Oo La Xaqiijiyey In Uu Dhaawac Ku Maqnaan Doono Ciyaarta Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com