3:03 pm - Sunday August 23, 5643

Chelsea Oo Fursad Kale Lumisay Iyo Norwich Oo Rigoodhe Cad Loo Diidey

Aidarous

Kooxda Chelsea ayaa kala kulantay Norwich City, iska caabin xoog leh oo ay kala hortimi , isla markaana hakad ay adag tahay sida looga soo waaqsado ka gallisay tiigsiga hogaanka Horyaalka kadib markii ay barbar dhac 0-0 ah isla dhaafi waayeen ciyaartii caawa ee horyaalka  Premier League.

Chelsea Kubadii Rigoodhaha ahayd ee la diiday - Ashley Cole iyo Terry oo Dagaal kula jira Olsson

Chelsea Kubadii Rigoodhaha ahayd ee la diiday – Ashley Cole iyo Terry oo Dagaal kula jira Olsson

Kooxda kaalinta 18 aad fadhida ee Norwich ayaa laga diiday Rigoodhe cadaan ah qaybtii hore ee ciyaarta kadib Markii ciyaaryahan Johnson Fed Olsson ay markaliya si xun isugu soo tuureen dhulkana xanaaqad xun kaga hinjiyeen difaacyada Chelsea ee John Terry iyo Ashley Cole, laakiin looma qaban.

Chelsea vs NorwichBarbar dhacan gool la’aanta ah ayaa Gayasiinaysa Chelsea oo ciyaarta u hadhay la leh kooxda mar horeba ka hadhay horyaalka ee Cardiff City , inay dhibic ka hoosayso kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Manchester City iyo naadiga kaalinta labaad ee Liverpool oo labadoodu ku kala sareeya faraqa goolasha isla markaana laba laba ciyaarood uga dhiman yihiin dhamaadkii horyaalka halka the Blues ciyaartaas qudh ahi u hadhsan tahay.Chelsea vs Norwich  1

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xanta: Robben oo Man Utd ku soo socda Iyo Rooney oo PSG lala xidhiidhinayo

Ac Milan Oo Karbaashtay Inter Kulankii Darbiga Talyaaniga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: