Chelsea U Qaaday Koobka Capital One + Muuqaaladii Cajiibka Ahaa

Tababare Jose Mourinho ayaa gacanta ku dhigay koobkii koobaad tan iyo intii uu dib ugu soo noqday shaqada tababarenimo ee kooxda Chelsea kadib markii naadigiisu ku garaaceen kooxda Tottenham ciyaartii gunaanadka horyaalka League Cup oo ku dhex martay geggida Wembley.Chelsea wins Capital one cup 1
Kaidb markii ay birta goolka Chelsea ka soo go’day kubad uu gannay Christian Eriksen, kabtan John Terry ayaa ugu jawaabay goolkii hogaanka u dhiibay The Blues oo ahaa koorne ay difaaca Spurs ku guuldaraysteen inay celiyaan oo si daciif ah ay u celiyeen.Chelsea wins Capital one cup 2
Naadiga Chelsea ayaa kordhiyey goolashii oo labeeyey markii difaacyahanka kooxda Tottenham ee Kyle Walker ay ka danab kacday oo uu isaga uuni kooxdiisa ka dhaliyey kubad uu si xoogan u soo laagay weeraryahan Diego Costa.Chelsea wins Capital one cup 3
Spurs ayaan wax isku day ah oo la tilmaamo samaynin ciyaartan Chelsea ku gaadhay guusha koobkii ugu horeeyey ee ay qaado xili ciyaareedkan 2014-15.Chelsea wins Capital one cup 4
Mourinho, oo ku soo noqday garoonka Stamford Bridge bilowgii xili ciyaareedkan kadib markii uu soo carbiyey dhawr xili ciyaareed labada kooxood ee Inter Milan iyo Real Madrid, ayuu koobkani noqonayaa kiisii 7 aad ee uu u qaado kooxda ka dhisan galbeedka caasimada London , labadii jeer ee uu tababaraha u soo noqday.Chelsea wins Capital one cup 5 Chelsea wins Capital one cup 7 Chelsea wins Capital one cup 6

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Liverpool Oo Dhaawac Weyn Gaadh-siisay Rajadii City Ee Horyaalka + Sawiro

Difaaca Monaco Oo Dhakafaar Ku Riday PSG Iyo Lyon Oo Hoggaanka Sii Haysa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com