8:57 am - Monday May 29, 2017

Chelsea Oo Tuntay Stoke Guushii 13 aad Oo Xidhiidh Ah

Abdiwahab Ahmed

Naadiga ku naaloonayay horyaalnimada wadanka Ingiriiska Premier League ee Chelsea ayaa barbaraysay rikoodhka guulaha xidhiidhka ah hal xili ciyaareed ee u yaala horyaalka, kadib markii ay ku tumatay kooxda Stoke ciyaar ku dhex martay geggida Stamford Bridge.


Ciyaar Qaybteeda Dambe xiisaha Ugu Badan Lahayd, shan goolna la kala dhaliyey, ayay Chelsea laba jeer hogaanka ciyaarta kaga daba timid oo kagala wareegtay kooxda lagu naanayso Potters, kuwaas oo ku noqday mid kamid ah lafihii ugu xumaa ee dhuunta u gallay xili ciyaareedkan, kooxda hogaanka Premier League haysa.

Gary Cahill ayaa hogaanka u gacan galiyey Chelsea kadib markii uu madax ku qabtay kubbad wax yar ka hor dhamaadkii qaybta koobaad, Laakiin difaacyahanka naadiga Stoke – Bruno Martins Indi ayaa goolka bareejaha u soo celiyay daqiiqad uun kadib markii uu dib u bilowday qaybta labaad.

Willian ayaa haddana mar kale gacanta ka saaray Blues hogaanka ciyaarta, laakiin sidii si lamid ah Peter Crouch ayaa barbar dhaca ka dhaliyey, kaas oo kubbad dedaal badan ku timid kadib korka ka mariyey goolwade Thibaut Courtois.

Stoke waxay ku sigatay inay guul u dabaal degto, wax yar uun ka hor intii aanu dib u kabashadii Chelsea hormood kaga noqon Willian kubbad uu giftin ka xareeyey.

Iyadoo ciyaarta shan daqiiqo oo kali ahi ka hadhsan yahay, the Blues waxay hoosta ka xariiqday go’aankii guusha iyo dhibcaha ay ku tirsatay, kaas oo uu Diego Costa – si qurux badan u saxeexay goolkii afraad.

Barclays Premier League. Chelsea v Stoke 31/12/16: Picture; Kevin Quigley/Daily Mail
Diego Costa scores 4-2

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Charlotte Hornets vs Cleveland Cavaliers – Latest Game Highlights

Man United Oo Xili Dambe Gurmad U Baahatay Si Ay U Khaarajiso Middlesbrough

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com