8:56 am - Monday May 29, 2017

Chelsea Oo Soo Af-jartay Guul-darro La’aantii Tottenham Figta Horyaalkana U Baxday

Aidarous
chelsea-oo-dhirbaaxo-la-heshay-tottenham

Chelsea ayaa ku negaatay hogaaminta horyaalka Ingiriiska ee Premier League kadib markii ay guuldaradii koobaad ee horyaalka ka soo gaadha dhadhan siisay kooxda Tottenham.

Naadiga The Blues lagu naanayso ayaa ahaa kan labaad xaga fiicnaanta kubbadeed, qaybtii hore ee ciyaarta, kaas oo lagaga naxsaday gool uu ka xareeyey Christian Eriksen.

chelsea-oo-dhirbaaxo-la-heshay-tottenham

Laakiin, Pedro ayaa ka soo bedey weerarkii Eriksen wax yar uun ka hor dhamaadkii qaybta koobaad.

Victor Moses oo sii wada qaab ciyaareedkiisa lala yaaban yahay, ayaa u labeeyey oo guulka guusha u saxeexay Chelsea, una suurto galiyey inay dhibic hogaanka kaga qabato kooxaha ku soo xiga ee Liverpool iyo Manchester City.

 

Ciyaaraha Kale ee Dhacay Iyo natiijadooda

Burnley 1 -2 Man City

Hull 1 -1 West Brom

Leicester 2 – 2 Middlesbrough

Liverpool  2 – 0 Sunderland

Swansea 5 – 4 Crystal Palace

Chelsea  2 – 1 Tottenham

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Real Madrid Oo 7 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga

Philippe Coutinho Oo Dhaawac Kuraanta Ah Garoonka Loogaga Saaray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com