Chelsea? Weynu Eegi Doonaa ‘ – Diego Costa

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa ayaa ka gaab saday inuu jawaab waafi ah ka bixiyo Jiritaanka wararka sheegay inuu Chelsea usoo wareegayo xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryanadu , kadib markii uu qayb libaax ka qaatay reebidii kooxda tababare Jose Mourinho ee horyaalka Champions League.

Costa ayaa isu soo taagay oo shabaqa ku hubsaday kubad rigoodhe ahayd ciyaartii naadiga Diego Simeone ay kaga badisay 3-1 kooxda The Blues oo la joogo garoonkooda Stamford Bridge isla markaana ay ugubtay kulanka dhamaadka ee Lisbon ka dhacaya bishan aynu kowsanay, ciyaartaas oo dhex mari doonta Atletico iyo naadiga ficiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Real Madrid.

Chelsea ayaa la sheegay inay u soo bandhig tay qiime dhan €42 million heshiis ah weeraryahanka 25 jirka ah, wuxuuse Costa ku gaabsaday, inta uu ogyahay inay tahay inay jiraan kooxo waaweyn oo danaynaya, balse aanu isagu wali go’aansan mustaqbalkiisa meesha uu u wareegayo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ilmadii Terry Iyo Kulanka Finelka Champions League Oo Taariikhda Markii ugu Horeysay Laba Naadi oo Isku Magaalo Ahi Yimaadeen

‘Waanu Ogayn In Chelse Isku Dayi Doonto ..Sidii Baanay U Dhacday .. Wixii Intaas.’ Tiago

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com