Chicago Bulls Oo Dhulka La Dhacday Cleveland Cavaliers Oo Uu Hoggaaminayo LeBron James

Kooxda kubadda kolayga ee Chicago Bulls ee horyaalka waddanka kubadda Kolayga Maraykanka NBA ayaa guul cajiib ah ka soo hoysay ciyaar ay isku haleeleen kooxda la loodin la’yahay ee Cleveland Cavaliers oo hoggaaminaysa horyaalka NBA-da qaybta Bariga.

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo si toos ah looga daawaday shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL, soona dhacday 3:30 habeennimo, ayaa ku dhamaatay 106 dhibcood oo ay la timid Chigaco Bulls iyo Cleveland Cavaliers oo 94 dhibcood dhaafi kari wayday.

Qaybtii u horreysay ayaa waxa gacan sarraysay Cleveland oo ku badisay 23-16, laakiin qaybta labaad ayey isbeddel badan samaysay Bulls, waxaanay sida daadka ugu yaacday goolka Cavaliers oo ay ku shubtay 36 dhibcood, halka Cleveland ay la timid natiijo la mid ah qaybtii hore oo ahayd 23 dhibcood.

Wakhti nasasho ah kaddib, waxa la isugu soo noqday qaybta saddexaad, waxaana mar kale gacan sarraysay, guushuna raacday Chiago Bulls oo ku badisay 31-28. Qaybtii u dambaysay ee afraad, ayaa waxa halkii ka sii wadday guusha Chicago Bulls oo ku badisay 23-20.

Ciyaartan oo si weyn loo daawaday, akhristeyaal badan oo ku xidhan shabakadda CADALOOL na ku raaxaysteen, ayaa waxa dhamaadkeedii guul la damaashaadday Chicago Bulls oo ah naadigii uu u ciyaari jiray halyeygii kubadda Kolayga ee Michael Jordan, waxaanay natiijadeedu noqotay 106-94 dhibcood.

 

Halkan ka daawo dhamaadn goolashii iyo dhacdooyinkii kale ee ciyaarta

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Halis Intee-Leeg Ayuu Horyaalka China Ku Hayaa Suuqyada Reer Yurub?

Daawo Goolasha Iyo Dhacdooyinkii Kale: Golden State Warriors 125-117 Portland Trail Blazers

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com