Chile Oo 3-1 Ku Caraabisay Australia

Alexis Sanchez, Jorge Valdivia iyo Jean Beausejour oo min hal gool ah ayaa ugu filaaday qaranka Chile inay guul ku daah fureen ciyaartoodii ugu horeysay koobka aduunka oo ay 3-1 kaga adkaadaan qaranka Australia ciyaar saqdii dhexe ee xallay ka dhacday garoonka Arena Pantanal ee magaalada Cuiaba.

Xidigaha Chile ayaa laba gool oo daran doori ah ku hor maray  oo aanay u dhaxaynin daqiiqado , taas oo u muuqatay in Australia meesha ceeb kala caraabayso.

Laakiin wax kastaa wey is bedeleen ciyaartana waxaa la wareegtay Australia oo uu goolkii koowaad u dhaliyey ciyaaryahankeeda Cahill  oo fursad madax ahayd uga faaiideeyey.

Ciyaartuna waxay u muuqatay mid ku dhamaanaysa barbar dhac ilaa uu daqiiqadihii lagu daray goolka Saddexaad u dhaliye Chile ciyaaryahan Jean Beausejour kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1 siidhigii dhamaadkuna sidaas ku dhacay.

Chile ayaa soo raacaysa Holland oo Spain ku durdurisay , waxaanay mid walbaa yeelanaysaa 3 Dhibcood Group ka B. halka Spain iyo Australia aanay wax dhibco ah lahayn.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waligay Isma Lahayn Holland Baa Spain Sidaas U Galli – van Gaal

Saxaafada Holland Oo Sawiro Cajiib Ah Ka Sameeyey Guushii Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com