Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Ciyaartooyo Iyo Waalidkii Dhalay

Ciidamada booliska Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay  koox ciyaaryahanno ah oo ka dhisan caasimadda Hargeysa, kuwaas oo xaflad ku qabsanayay Hotel Imperial.

Sida uu qoray wargeyska Geeska Sports ee ka soo baxa magaalada Hargeysa oo aanu warkan ka soo xiganay, ciidamada Booliska ayaa khasab ku galay xaflad si wanaagsan loo agaasimay oo gellinkii hore ee shalay ka dhacaysay Hotelkaas, waxaanay ciidamadu bilaabeen in ay qabqabtaan ciyaartooyada iyo waalidiinta dhalay ee xafladda ka qayb galayey.

Kooxdan xabsiga loo taxaabay oo ah ciyaartooyada naadiga ka dhisan magaalada Hargeysa ee DUUFAAN, ayaanay Boolisku wax war ah ka soo saarin.

Sida uu wargeysku qoray waxa  falkaas cambaareeyey Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanay ku tilmaantay dhacdo layaab ku ah dhallinyada iyo dadka kaleba.Booliska Somaliland

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay ciidamada boolisku magaalada Hargeysa ka wadaan hawlgallo ay ku qabqabanayaan dhallinyarada isla markaana xabsiga u taxaabayaan kadib rabshado la sheegay in ay dhallinyaradu ku lug yeesheen.

Ciyaartooyada degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa iyo ciidamada booliska ayaa dhawr maalmood ka hor isku dhacay, waxaana ka dhashay khasaare nafeed kadib markii ay ciidamadu toogteen mid ka mid ah ciyaartooyo ku sugnaa wakhtigaas dugsiga Maxamuud Axmed Cali.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona Oo Villarreal Kaga Adkaatay Gool Qurux Badan Oo Messi Dhaliyey – Sawiro

Live – Maalinta U Dambeysa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com