Ciidamo Hubaysan Oo Weeraray Telefishanka Ciyaaraha Bein Sports

Ciidamada booliska waddanka Switzerland ayaa u dhacay xarunta telefishanka ciyaaraha Bein Sports ee Zurich, subaxnimadii hore ee khamiista.

Ciidamada ayaa baadhitaan ku gelalafay guud ahaan xafiisyada, habbaanka xisaabeed iyo xogaha qarsoon ee Tv-ga, kuwaas oo ku khasbay shaqaalaha inay u fududeeyaan qabashada hawl walba oo baadhiteeda ay u baahdaan.

War-saxaafadeed uu soo saaray telefishanku ayaa lagu sheegay inuu soo gaadhay codsi uga yimid Xeer Ilaalinta waddanka Switzerland, kaas oo ka dalbaday inay baadhitaan dhamaystiran ku sameeyaan xafiisyada ku yaalla Baoulogne-Billancourt, kuwaas oo ciidamo ay soo galeen subaxnimadii khamiista.

Baadhitaankan oo daba socda fatashaad lagu hayo mulkiilaha kooxda PSG, Nasser Al-Khelaifi oo sidoo kalena ah agaasimaha telefishanka Al-Jazeera iyo Bein Sports, ayaa waxa ay Xeer Ilaalinta Switzerland ee magacooda loo soo gaabiyo OAG ay sheegeen in telefishanku uu sifo sharci darro ah ku helay xuquuqda baahinta ciyaaraha koobka adduunka ee sannadaha 2018, 2022, 2026 iyo 2030, isla markaana uu hawshaas u fududeeyay xoghayihii la eryey ee FIFA, ee Jerome Valcke.

“Bein Media Group waxay diidaysaa dhamaan eedaymaha uga yimid OAG. Shirkaddu si buuxda ayay ula shaqayn doontaa masuuliyiinta, waxaanay ku kalsoon tahay in mustaqbalka horumar laga samayn doono baadhitaanka.” sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mulkiilaha PSG Oo Baadhitaan Lagu Bilaabay Iyo Suurtogalnimada In Xabsiga Loo Taxaabo

Xasan Waraabe-cadde Oo Ka Digay Falal Lid Ku Ah Doorashada Oo Kaadhka Codbixinta Lagu Iibsanayo, Kana Hadlay Safar Uu Ku Tegayo Bariga Somaliland

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com