3:00 am - Sunday June 25, 2017

City Oo Awood Ku Muquunisay West Brom Iyo Fariintii Taageerayaasha

Aidarous

Kooxda Manchester City ayaa 3-1 ugu awood sheegatay kooxda West Brom Albion oo Marti ugu ahayd garoonka Etihad Stadium.

City ayaa ahayd mid si walba uga awood badan West Brom , waxaanay ciyaarta ku guulaysatay qaybtii hore ee ciyaarta oo saddexda goolba ay dhaliyeen.

Ciyaarta 4-t gool ee dhashayba taabteen shabaqa wixii ka horeeyey nasashada ayaanay suurto gallin in isu soo noqodkii wax goolal ahi dhashaan.Manchester City 3 1 Westbrom

Goolasha City ayaa waxa u kala dhaliyey ciyaaryahanada : Pablo Zabaleta daqiiqadii 3aad , Sergio Aguero Minute kii 10 aad iyo daqiiqadii 33aad oo uu goolka 3 aad u xareeyey Martin Demichelis.

Dhinaca kale , garoonka kooxda Manchester City ee Etihad Stadium oo ay ciyaartu ku dhex marayso labada kooxood ee City Iyo West Bromwich Albion ayaa isku bedelay fagaare lagu taageerayo tabaabraha la wariyey in caawa shaqada laga eryayo ee David Moyes.

Taageerayaasha labada Naadi ee Manchester City iyo West Bromwich Albion ayaa garoonka ku soo bandhiga, boodhadh ay ku taageerayaan tababare Moyes kagana soo horjeedaan erigiisa saxaafadu isla dhex marayso, waxaanay ku soo xardheen ” yaan la eryin Moyes ‘ iyo ” Moyes waa tababare kubada cagta aqoon u leh’ iyo kuwo kale oo badan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Dareen Kii Taageerayaasha Man City ee Warka Eriga Tababare Moyes

War deg-deg ah:  Kooxda Man.United Oo Shaqadii Tababarnimo ka Eryay David Moyes

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: