10:15 am - Thursday June 29, 2017

Ciyaarta Liverpool Nooma Aha Booqasho Aanu Tiyaatar Ku Tagayno :- Jose Mourinho

Aidarous

Tabobaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa ugu baaqay taageerayaasha naadigiisa, inay si weyn ugu diyaar garoobaan ciyaarta Axada horyaalka Premier League ay ku qaabilayaan kooxda Liverpool geggida Old Trafford,  ugana digay inaanay u qaadan “booqasho ay tiyaatar ‘’ balse ay tahay martiqaad “kaalaya oo ciyaar nala ciyaara ah “.


United waxay ku garaacday Hull City 2-0 kulankii is aragga hore ee koobka horyaalka ama EFL Cup semi-finalkiisa, Salaasadii, labada goolna waxaa dedaal qaybtii dambe ay sameeyeen ku kala dhaliyey Juan Mata iyo Marouane Fellaini.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho wuxuu ku waaniyey taageerayaasha iyo ciyaaryahanadiisaba, in qof kasta oo kamid ahi isku sii diyaariyo ciyaarto Liverpool.

“Anaga ciyaar dareen khaas ah leh ayay noo tahay,”ayuu yidhi.

“Haddii aanu soo bandhigno ciyaar ay la dhacaan, taageerayaashu iyaga ayaa soo daadegi doona oo nagala qayb galli doona, haddiise aanaan degenaan iyo dhisme ciyaareed qurux badan soo dhigin, waxaa caado ah in taageerayaashuna aanay noqon doonin kuwo laga fisho cod iyo sawaxan taageero.

“Laakiin, waxaanu leenahay taageerayaal mucjiso ah, kuwaas oo na garab galla, awoodna nala daba taagan.

“Qof kastaa wuu jecel yahay ciyaaraha waa weyn, – ciyaaryahanada, tabobarayaasha, taageerayaasha, qof kasta waa jecel yahay kulamada culus, marka ina marsha aynu kulankaas Axada yeelanee.”

United waxay marti galin doontaa Liverpool, iyadoo damacsan inay sii kordhiso, socodkeeda 10 ka ciyaarood ee guulaha isdaba jooga ah, tartamada oo dhan.

Liverpool waxa laga badiyey laba ciyaarood oo kaliya xili ciyaareedka oo ay kamid ahayd, guuldaradii 4-3 da ahayd ee ay kala kulmeen Bournemouth – 4 December.

Jurgen Klopp xidigaha uu hogaaminayaa, kaalinta labaad ayay kaga jiraan, horyaalka Premier League, waxaanay shan dhibcood ka horeeyaan United oo kaalinta lixaad fadhida, intaa inleegna waxay ka dambeeyaan Chelsea oo hogaanka haysa.

United waxaa ka maqnaa, weeraryahanka 13-ka gool leh ee Zlatan Ibrahimovic ciyaartii Hull, isagoo xanuun sanayay, laakiin Mourinho wuxuu xaqiijiyey in laacibka reer Sweden ka qayb galli doono ciyaarta Axada.

“Zlatan wuu xanuunsanayaa, sidaas darteed, waxaan filayaa inaanu wax dhib ah qabin ka qayb galka Axada,” ayuu yidhi. “Waxaan rajayn inuu caafimaad qabi doono.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Dib U Daawo: Barcelona Oo Ku Ciil Baxday Athletic Bilbao, Una Gudubtay Wareegga Afar dhamaadka Copa del Rey

Tababare Shakuur Oo Talo Ku Wajahan Abaaraha U Jeediyey Bahda Ciyaaraha

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: