Ciyaartii KULMIYE iyo Xiddigaha, Jamaal Bacaluul Oo La qaban-kari Waayey Iyo Muuse Biixi Oo Shir Ku Baaqday

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo maanta ka dhacday magalaada Hargeysa ayaa waxa isku haleelay laba kooxood oo ku kala ciyaaray Xisbiga KUMIYE iyo halyeeyadii Somaliland soo maray, taas oo ka dhacday garoonka Ciyaar-same.

Ciyaartan oo ay dad badan u dheg-taagayeen natiijadeeda, in badan oo kalena baraha bulshada ku qaadaa-dhigtay ayaa waxa labada kooxood kala hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo markii ay ciyaarta wakhti yar ka hadhsanayd u baxay shir degdeg ah iyo Xasan Waraabe Cadde oo hormood u ahaa halyeeyada.

Ciyaarta oo ay dad badan usoo daawasho tageen, ayaa waxa ay ciyaartooyado garoonka yimaaddeen wakhtigii ballantu ahayd, isla markii ay bilaabantayna waxa awood iyo khibradda ay u leeyihiin kubadda cagta soo bandhigay kooxda Halyeeyada oo intooda badan ay ahaayeen ciyaartooyadii ugu wanaagsanaa geyiga Soomaalida sannadihii 1980-aadkii, laakiin kooxda KULMIYE oo uu daawanayey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Axmed Cabdi Xuseen oo ciyaartana furay, ayaa waxay sameeyeen iska caabbin iyo inay khadka dhexe kula loollamaan si ay isaga celin karaan weerarka joogta ah iyo laagga awoodda badan ee xiddigii garoonka Jamaal Bacaluul ku ganayey goolhaye Xamse-Hargeysaawi.

Jamaal Bacaluul oo ka mid ahaan jiray xulkii qaranka Somaliya, una xidhan jiray lambarka 10, ayaa qabsaday garoonka, kaddib markii uu xarfad, laag awood badan iyo orod ku dawakhiyey difaaca KULMIYE, kuwaas oo uu ka dhaliyey 3 gool.

Cabdikariin Guji oo isaguna ka mid ahaa kooxda Halyeeyada ayaa laba gool oo kale ka dhaliyey, halka gool lixaad oo aad u qurux badnaana uu raaciyey Cabdi Good Abees.

Dhinaca kooxda KULMIYE, waxay la yimaaddeen afar gool oo ay kala dhaliyeen Xasan Waraabe-cadde, Guuleed-Alves, Maxamed-khadar iyo Buraale.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6-4 ay guushu ku raacday kooxda Halyeeyada oo uu xiddigoodu ahaa Jamaal Bacaluul.

Maqnaanshihii Guddoomiyaha KULMIYE

Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga oo hoggaaminayey kooxda xisbigiisa ayaa ciyaarta ka baaqday markii uu u baxay shir degdeg ah sida masuuliyiinta xisbiga sheegeen, waxaana ciyaarta ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad Axmed Cabdi Xuseen oo ka hadlay faa’iidada ciyaaraha.