Ciyaartooyda Bayern Munich Oo U Safray Dalka Turkiga

Ciyaartooyda kooxda Bayern Munich ayaa u safray dalka Turkiga, halkaa oo caawa ay kula ciyaari doonaan kooxda Beskitas kulanka lugta labaad wareega 16-ka Champions League.

On loan midfielder James Rodriguez looks suave in sunglasses and his black suit on Tuesday

Kooxda ka ciyaarta Bundesliga ayaa rajo weyn ka qeybta in ay ka gudubto kooxda Beskitas, si wareega sideed dhamaadka ay iskaga xaadiriyaan, maadaama 5-0 ay ku adkaadeen lugtii hore ee ka dhacday Alianz Arena.

Dhamaan ciyaartooyda iyo shaqaalaha caafimaadka ee kooxda ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Munich ka ambabaxay, iyagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Arturo Vidal (L) and James (R) give the thumbs up ahead of their long-haul flight to Turkey

Tababaraha Jupp Heynckes ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay wali sugeyso shaqo adag marka laga soot ago in 5-0 ay ku soo garaaceen Besiktas lugtii hore isagoo sheegay in sanadkan ay hami sare ka leeyihiin Champions League.

Hadii Bayern Munich caawa ay xaqiijiso in ay ka gudubtay Besiktas, waxay raaci doontaa kooxaha Real Madrid, Liverpool, Iyo Juventus, oo dhamaantood gaaray wareega sideed dhamaadka Champions League.