11:52 pm - Monday May 29, 2017

Ciyaartooyga sida Lama Filaanka ah uga tegaya Kooxahooda: Sanchez, Griezmann iyo Aubameyang Oo Ugu Horreeya

Abdiwahab Ahmed

January way adag tahay in kooxuhu ciyaartooyo waaweyn kala iibsadaan sannadka cusub, laakiin suuqa Shiinaha ee xaamiga ah ayaa beddeli karaya dhaqankii lagu yaqaanay naadiyada bisha January.

Wargeyska ka soo baxa waddanka Ingiriiska ee The Sun ayaa waxa uu soo bandhigay ciyaartooyada ay suurtogalka tahay inay kooxahooda ka tagaan, kuwaas oo uu ugu horreeyo Alexis Sanchez oo ah xiddiga ugu muhiimsan ee Arsenal haysato. Waxa kale oo liiska xagga sare kaga jira Antoine Grizmann oo ah gool-dhaliyaha koowaad ee Atletico Madrid.

Ciyaartooyada uu wargeysku qoray inay kooxahooda ka tegi karayaan bisha January ayaa waxay kala yihiin sidan:

  1. Alexis Sanchez – Arsenal
  2. Felipe Anderson – Lazio
  3. Thomas Lemar – Monaco
  4. Pierre-Emerick Aubameyang – Borussia Dortmund
  5. Virgil van Dijk – Southampton
  6. Alexandre Lacazette – Olympique Lyonnais
  7. Edinson Cavani – Paris Saint-Germain
  8. Emil Forsberg – RB Leipzig
  9. Antoine Griezmann – Atletico Madrid

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ferguson Oo Booqday Ciyaartoyga Manchester Iyo Mourinho Oo Ka Hadlay

Muddaharaadkii Wejiga: 30 Kun Taageereyaasha Leicester Ah Oo Xidhay Wejiga Vardy

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com