Ciyaartooyo Reer Somaliland Ah Oo U Ciyaaray Maamul-goboleedyada Somaliya Tartankii Muqdisho

Ugu yaraan sagaal ciyaartoy iyo hal macallin oo reer Somaliland ah, isla markaana qayb ka ahaa ciyaarihii gobollada Somaliland ee wejigoodii koowaad uu ka kala qabsoomay magaalooyinka Burco iyo Borama ayaa lagu arkay iyagoo xidhan dharka uu ku sawiran yahay calanka Somaliya ee maamul goboleedyadii ka qayb-galay tartankii dawlad goboleedyada ee lagu qabtay Muqdisho.

Ciyaaygan reer Somaliland oo ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Badhan oo ay u ciyaarayeen tartankii Gobollada Somaliland, ayaa waxay dhamaantood u ciyaareen xulka dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaas oo uu hormood u ahaa tababarihii gobolka Badhan Abshir Cali Yuusuf oo ahaa macallinka hoggaaminayey Puntland, isla markaana u qaaday koobkii Muqdisho.

Afar ka mid ah ciyaartooyada ayaa ku jiray xulkii Sool ee wacdaraha ka dhigay ciyaarihii gobollada Somaliland, halka saddex kalena ay ahaayeen rukumadii dhaqaajinayey kubaddii gobolka Badhan iyo waliba tababaroodii.

Gobolka Xaysimo oo dhawaan uu madaxweyne Siilaanyo magacaabayna, waxay laba ka mid ah xulkiisii u ciyaareen Puntland.

Magacyada ciyaartoyga:

Faarax Kolokolo, Dhidhiyo, Guuleed Colhaye, Cabdifataax, Cabdillaahi, Aadan, Cabdillaahi Gacan iyo waliba tababare Abshir Cali Yuusuf oo Badhan maamulayey.

Waraysi ay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool ay Jimcihii la yeelatay tababare Abshir oo xulka Puntland u qaaday koobkii Maamullada Somaliya, ayaa waxa uu sheegay in uu yahay nin shaqaysanaya oo uu tegi karo meel kasta oo looga yeedho, isla markaana uu diyaar u yahay in uu tababare u noqdo xulka kubadda cagta Somaliland ama Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo isu-duweyaasha ciyaaraha ee gobollada ay ciyaartoygani ka soo jeedaan ayaan wax war ah ka soo saarin in ciyaartoy metelayey gobollada Somaliland ay haddana u ciyaaraan maamul goboleedyada Somaliya.

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Kabtanka Kooxda Kastamka Berbera Oo Ka Hadlay Doorashadii Xidhiidhka Kubadda Cagta

Sane Oo Gaadhay Ingiriiska, Kuna Biiraya Manchester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com