7:36 am - Sunday July 23, 2017

Ciyaartoy Feedh Lagu Dilay Iyo Qisada Geeridiisa

Abdiwahab Ahmed

mike-towell

Waa xaq oo qofba si ayuu mowku ugu yimaaddaa. Mike Towell ayaa ku geeriyooday cisbitaalka subaxnimadii hore ee saaka kaddib markii loola cararay isagoo ku miyir doorsoomay feedh darandoorri ah oo haleelay khamiistii.

Mike oo ay da’diisu ahayd 25 jir, ayaa si degdeg ah loogula cararay cusbitaal, markii uu dawakhay dhulkana ku dhacay wareeggii 5aad ee ciyaar feedh ah oo uu kula jiray ciyaartoyga Dale Evans, taas oo lagu qabtay St Andrews Sporting Club ee magaalada Glasgow gaar ahaan Radisson Blu Hotel.

Mike ayaa markii uu dhulka ku dhacay ee la geeyey dhakhtarka, waxa la xaqiijiyey inyar kaddib in uu geeriyooday, iyadoo ay hareero fadhiyaan qoyskiisa.

St Andrews Sporting Club ayaa barta Twitterka ku xaqiijisay in laacibkoodii Towell uu geeriyooday Subaxnimadii hore ee saaka oo Sabti ah, waxaana qoraal kooban ay ku yidhaahdeen sidan: “Saacaddii u dambaysay, waxa geeriyooday Mike Towel – Waxa uu ku sii jiri doonaa quluubteenna #RIPIronMike”

Qalbi jab

Baraha bulshadu ku xidhiidho ee FACEBOOK iyo TWITTER ayaa waxa qabsaday geerida naxdinta leh ee ciyaartoygan, waxaana tacsi qiiro leh iyo warbixino ay dadka ugu sheegayaan geeridiisa ku baahiyey qoyskiisa iyo asxaabtiisii.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsene Wenger Oo Ammaan Kala Dul Dhacay Ciyaartoyga Afrikaanka Ah

Xulka Spain Ee Lagu Dhawaaqay Oo Real Iyo Barcelona U Kala Hiiliyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: