Ciyaartoy Gool Ka Dhaliyey Juventus Oo Farriimo Lagu Dawakhiyey

Jose Mauri ayaa sheegay in ay kala go’i la’ yihiin farriimaha hambalyada ah ee ku soo dhacaya kadib markii gool qurux badan ka dhaliyey Juventus kulankii mucjisada noqday ee ay Parma 1-0 ku garaacday Juventus.

Mauri oo ay da’diisu tahay 18 jir, ayaa daqiiqaddii 60aad ee ciyaarta waxa uu gool aad u qurux badan ka dhaliyey Juventus, kaas oo soo jiitay indhaha dadka maadaama ay Parma ku noqonayso heerka labaad, isla markaana ay dhibaato dhaqaale oo xattaa ciyaartooyadii mushahar loo waayey ay haysato.

Kulankii kan ka horreeyey Parma guul ayay gaadhay, waxaanay 1-0 kaga badisay Udinese.

Haddaba ciyaartan ayay mar kale hadal haynteedu kor u sii kacday kadib markii uu Mauri tibaaxay in ay kala joogsan laayihiin farriimaha hambalyada ah ee soo gaadhaya.

“Waxa la ii soo diray 1000 farriimood oo message Mobileka ah, side ayaan ugu jawaabi karaa qof kasta? Waa maalintii iigu farxad badnayd adduunyada.” Sidaas ayuu yidhi Mauri.

“Waxa aan u mahad celinayaa Allah iyo ayeydey oo isoo daryeelaysay illaa aan halkan soo gaadhay. Farxaddan waxaan rabaa in ay ila qaybsadaan dhamaan taageereyaashu.” Ayuu yidhi.

Parma waxay ku jirtaa kaalinta ugu hoosaysa ee horyaalka Talyaaniga, waxaanay leedahay 16 dhibcood oo kaliya.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Paris Saint-Germain Oo Ku Guuleysatay French League Cup

Busquets Oo Ka Hadlay Guul la’aantii Kooxdiisa Ee Sevilla iyo Cidda Uu Eedda Saaray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com