Ciyaartoy Kasbaday Ammaanta Pirlo

Khabiirkii khadka dhexe ee Talyaaniga, Andrea Pirlo ayaa ammaan kula dul dhacay Jack Harrison oo ay isku koox ahaan jireen.

Harrison oo ku laabtay oryaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku biiray Stoke City, waxaana markiiba qalbi furan oo rajo fiican wata ku taageeray Pirlo oo tibaaxay in 21 jirkan horyaalka waddanka Maraykanka ay uga wada ciyaareen New York City FC, kaas oo tiilmaamay inuu yahay ciyaartoy wanaagsan oo kusoo baxaya horyaalka xamaasadda badan ee EPL.

Stoke City ayaa waxay Harrison la gashay heshiis uu sannadkii ku qaadanayo 5 milyan oo Euro, taas oo u dheer tahay illaa 1 milyan oo kale oo ku xidhan qaab ciyaareedkiisa.

Harrison oo ku dhashay magaalada Stoke-on-Trent ayaa kusoo guryo noqday gurigiisa, waxaana uu la kulmay tababare Paul Lambert oo ciyaartiisii ugu horreysay guul ku hoggaamiyey Stoke City.

Lambert ayaa weji furan ku qaabilay ciyaartoygan cusub.

Pirlo oo waraysi siinayay TalkSPORT ayaa waxa uu saadaaliyey in Harrison uu dib ugu soo laaban doono xulka qaranka Ingiriiska ee da’yarta, da’diisa oo yar iyo orodkiisa oo dheereeyaana ka caawin doonaan inuu kubadda cagta Yurub si fiican ula qabsado.