Ciyaaryahan Anelka Oo si rasmi ah uga mid noqday kooxda uu horkacayo Ronaldinho

Laacibka reer France ee Nicolas Anelka ayaa gelaya tijaabo cusub isagoo ku biiray kooxda Atletico Mineiro oo ka dhisan horyaalka Brazil, waxaana araintan daaha ka qaaday wax yar ka hor madaxweynaha kooxda oo sheegay in Anelka si rasmiya ugu biiray kooxda Ateltico.

Kooxda Atletico ayaa noqoneysa kooxdi 13aad oo Nicolas Anelka u ciyaaro taariikhdiisa kubadeed, isagoo ka garab ciyaari doona saaxiibkii Ronaldinho oo 2001-2002 u wada ciyaarayeen kooxda Paris Saint German.

Kooxda Atletico Mineiro ayaa heshiis u bandhigtay Anelka kadib marki uu burburiyay heshiiski uu kula jiray kooxda West Browich Albion 14-ki March.