Ciyaaryahan Ciro Immobile Oo berri ku biiraya kooxda Borussia Dortmund

Jariiradda Gazzetta dello Sport ayaa ku waramaysa in weeraryahanka Torino Ciro Immobile uu berri ku biiri doono kooxda Jaramalka ka dhisan ee Borussia Dortmund.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Torino iyo Juventus ay labaduba kala qeybsan doonaan lacagta lagu iibsaday oo 19.5m, marka 24-sanno jirkan reer Talyaani uu kooxda Dortmund qalinka u dul dhigo heshiis shan sano ah oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadan doono 2m.

Immobile ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday dhaliyey 22 gool 33 kulan oo uu saftay kooxda tababarta daran ee Torino, waxaana uu ku guuleystay gooldhinta horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Laacibkan reer Talyaani ee Immobile ayaa bedeli doona weeraryahanka Dortmund Robert Lewandowski, iyadoo la arko in xiddigan heerka caalami ee reer Polish uu xagaaga dambe u guuro kooxda Bayern Munich

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kulamada saaxibtinimo ee caawa xulalku ay ciyaarayaan iyo xilliga laga daawan doono geeska Afrika 

Kooxda Arsenal Oo markan dooneysa difaac ka tirsan Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com