Ciyaaryahan Daniel Sturridge Oo ka sheekeeyey wuxuu doonayo inuu mustaqbalka noqdo

Weeraryahanka kooxda Liverpool Daniel Sturridge, ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu noqdo jilaa marka uu dhameysto xirfaddiisa ciyaareed.

24 sanno jirkan ayaa 20-jeer shabaqa u tagay kooxdiisa Reds xilli-ciyaareedkan, waxaana uu jeclaysanayaa inuu noqdo jilaa filim marka uu ciyaaraha ka fadhiisto, sidaas waxa uu xaqiijiyey mar uu la hadlayey BT Sport “Hooyadeey waxay eegeysaa in aan maqaaxi furto, waxaana laga yaabaa inaan wax wanaagsan u sameeyo, marka aan ciyaaraha ka fadhiisto, laakiin waxaan jeclahay inaan noqo jilaa” ayuu yidhi Daniel Sturridge waxaanu hadalkisii sii raaciyey “Waxaan doonayaa inaan sameeyo waxyaabo dadka farxad galinaya inta aan ciyaaraha ka fadhiisan.”

Liverpool ayaa dhawaan shan dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hoggaanka Premier League, waxayna la ciyaari doontaa Axadda soo socota Sturridge kooxdiisii hore ee Chelsea oo ku jirta kaalinta labaad.