Ciyaaryahan Hoobiye / Madfac Lagu Dillay

Mid kamid ah ciyaaryahanada dalka Suuriya ayaa la sheegay in isaga oo ku sugan magaalada Xumus ee dalkaasi ay dileen, kooxo aan ilaa hadda la aqoonsani.

Dilka ciyaaryahanka ayaa sida la sheegay loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ah oo ku soo dhacay goobtii uu ku sugnaa.

Ciyaaryahanka oo kamid ahaa laacibyada loogu jecel yahay ayaa magaciisu ahaa, Daariq Qariir, waxaanu ku naf baxay isla magaalada Xumus.

Sida ay wakaaladaha wararka ee dunidu ku warameen, ciyaaryahankan ayaa isku diyaarinayay kuna jiray baryihii u dambeeyey tababar uu xulka qarankiisu isugu diyaarinayay tartanka isreeb reebka koobka qaarada Aasiya oo lagu qaban doono wadanka Thailand.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii hoobiyaal lagu duqeeyey garoon ciyaaraha ah oo ku yaala magaalada caasimada Suuriya ee Dimishiq, uu ku naf waayay laacib lagu magacaabi jiray, Yuusuf Suleyman, kaasi oo ka tirsanaa naadiga Al Wathaiq ee Dalkaasi colaaduhu ka socdaan ee Suuriya.

Tiro kale oo ciyaaryahano ah ayaa iyana dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, duqayntaas loo gaystay garoonka ciyaaraha ee Dimishiq.

Sida la sheegay, waxa muuqata inay jiraan kooxo dhinaca Islaamiyiinta u janjeedha oo si gaar ah u bartil-maameed sanaya ciyaaryahanada wadankaasi.

Daariq Qariir ayaa dilkiisa aad looga naxay , waxaana ka hadlay ciyaaryahano dunida caan ka ah, sidoo kale waxaa tacsiyadeeyey, xidhiidhada kubadaha cagta ee dowladaha Carabta, kuwa qaarada Aasiya iyo xidhiidhka kubada cagta Caalamka ee FIFA, kuwaas oo dhamaantood ku tilmaamay geerida ciyaaryahanka, wax aad looga murugoodo.

Diyaariye : Faysal Maxamed Xassan
                    Wargeyska Saxafi

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Inter Milan Oo £50m Dul Dhigtay Weeraryahan Torres

Prandelli: Waan xushay badi xidigihii aan la tagi lahaa koobka Adduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com