Ciyaaryahan Hore Oo Geeriyooday

Waxaa ku geeriyooday dalkan Britain Dave Mackay oo ahaan jiray halyey xagga kubbadda cagta ah oo khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxo ay ka mid yihiinTottenham iyo xulkiisa Scotland.
dave-mackay-with-stampsCiyaaryahan Dave oo lagu naanaysi jiray, Mr Mackay , ayay da’diisu imika maraysay 80 jir.
Intii uu Mr. Mackay ku soo jiray ciyaaraha wadanka Britian iyo kuwa qaarada Yurub ayaa waxa uu ku guulaystay 10 abaal marin sharafeed.
Ciyaaryahanka ayaa waxa uu ku guulaystay abaalmarino qiimo leh, iyadoo mar loo magacaabay in uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan sanadka ee Scotland iyo England, ka dib markii xulka qaranka Scotland uu u saftay laba iyo labatan ciyaarood.
Ciyaaryahankan geeriyooday ayaa markii dambe waxa uu tababare u noqday kooxaha Walsall, Doncaster, Birmingham iyo kooxo kale.
Laacibkii hore ugu ciyaari jiray Manchester United ee George Best, waxa uu mar ku tilmaamay in uu yahay ciyaaryahankii ugu adkaa ee uu abid ka hor tago.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona Vs Villarreal: Barcelona Oo Gellin Horeba Shaacisay Xulkeeda Kulanka Caawa

Garoon Kala Dhantaalan Oo Ay Ku Wada Ciyaari Doonaan Dynamo Kiev iyo Everton

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com