Ciyaaryahan Hore Uga Mid Ahaa Kooxda Arsenal Oo Ku Biiray Dagaal-yahanada Syria

‘Waxay isku meel ku koreen Ronaldo, wuxuu u ciyaaray Arsenal………….

Nin sheegtay inuu kamid ahaa kooxda kubada cagta ee Arsenal, laakiin hantidii iyo noloshii qaniga ahayd ee uu ku jirayba uu uga tagay ‘Jihaadka’ dartii, ayaa ku biiray koox ka dagaalanta gudaha wadanka Suuriya.

Muuqaalo ‘video’ lagu baahiyey website ay leeyihiin koox dagaalyahano ah oo lagu magacaabo “ISIS”-  Islamic State of Iraq and Syria – (xukuumada Islaamiga ah Ee Ciraaq & Suuriya), ayuu ninkan sheegtay inuu ku dhashay Portugal una soo ciyaaray kooxda woqooyiga London ka dhisan ee Arsenal uu magaciisa ku sheegay ‘Abu Issa Al-Andalusi’.

Sida laga arkayo muuqaalka Fiidiyooga la baahiyey, Abu Issa Al-Andalusi oo wajiga ilaa madaxa ku qariyey kur gashiga madow ee lagu daboolo, Indhaha  oo kali ahina muuqdaan, hortiisana uu si jirjir ah ugu dhereran yahay qori faal-gurey u eg (m16), ayaa isagoo ku hadlaya luqada Ingiriisiga, oo aan fiicnayn, laguna turjumayo qoraalo luqada Ruushka ah oo fiidiyooga qaybtii hoose maraya, wuxuu ugu baaqayaa dhallinyarada caalamku inay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah wuxuu ugu yeedhay ‘gaalada’ ay jihaadka kula jiraan.

Muuqaaladan oo cinwaan looga dhigay ‘Mujaahid Abu Isa oo tallo siinaya Muslimiinta.’ Waxa kale oo qoraalada faahfaahinta ah ee la raaciyey kamid ah :- ‘Waxay isku meel ku koreen Ronaldo, wuxuu u ciyaaray Arsenal, waxaanu ka dhaqaaqay, Lacagtii iyo Hab nololeedkii Reer Yurub, si uu Dariiqa ILaahay ee Jihaadka ugu Shahiido.’’

Qoraalka oo sii socda, waxa kale oo kamid ahaa. “Abu Isa al-Andalus wuxuu u dhashay Portuqaal, Arsenal oo London ka dhisana wuu u soo ciyaaray, aakhirkiina waxa u cuntami weyday noloshii uu ku jiray, halkaas ayaanu wax kasta kaga yimid laba sanno ka hor , isagoo doonayay Jihaadka. Imikana wuxuu u baaqayaa oo waaninayaa, walaalihiisa raga iyo dumarkaba leh ee aan wali go’aansan inay nolosha aduunka ku bedeshaan nolosha Aakhiro.”

Qoraalada raacsan kadib , Abu Isa, oo luqada Ingiriisiga ah ee uu ku hadlayo laga dhadhansanayo lahjada Portaqiiska , ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisii. “ Haddii aad xaas ku leedahay wadamadan (reer galbeedka), carruurtaada uma tallin kartid, dalalka qaarkoodna , waaba qasab inaad geyso dugsiyada kufaarta.

“Maxay barayaan ubadkaaga.? Waxa laga yaabaa inay u galmoodaan, waa laga yaabaa inay daroogo ka ganacsadaan caruurtii,

“Waa waajib inaad caruurtaada ka ilaaliso kuwan ‘xayawaanka’ ah, dadkan uskaga ah, Ilaahay wuxuu inoo sheegay inay yihiin kuwa ugu xun abuurtiisa, sidaas darteed , waa inaad la noolaanshaha  dadkaas xun ka doorataa inaad kamid noqoto mujaahidiinta.”

Afhayeen u hadlay naadiga Arsenal ayaa sheegay in Gunners ay baadhayaan xaqiiqada sheegashada Abu Isa. Waxaanu af-hayeenku yidhi: ‘Maanaan aqoonsan wali qofka ka hadlaya muuqaalada la baahiyey, mana hayno wax tixraac ah ama document uu ku qoran yahay Abu Isa Al Andalusi oo ka soo mid noqday dhamaan heerarka kala duwan ee kooxda.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 2
You need login to vote.

Munich Oo 54 Ciyaarood Kadib Dhadhamisay Qadhaadhka Guuldarada

Tababare Moyes Oo amaanay Qaab-ciyaareedkii uu la soo shirtagay Juan Mata

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com