Ciyaaryahan Ivan Rakitić Oo Qandaraas shan sanno ah ugu biiraya kooxda  Barcelona

Sida ay ka dhawaajiyeen jariirada “Bild” iyo Sky Sports, kooxda Barcelona ayaa heshiis la gaadhay dhiggeeda Sevilla, kaas oo ku saabsan laacibka reer Croatia ee Ivan Rakitić .

Shabakada Sky waxay sheegtay in Ivan Rakitić  u saxeexayo kooxda Barcelona heshiis gaadhaya shan sanno, halka qiimihiisa lagu sheegay 20-milyan euro.

Tababaraha Sevilla ayaa sidoo kale daaha ka qaaday maanta in laacibkani kooxda ka socdo, waxaa la filayaa in Barcelona ku dhawaaqdo saacadaha soo socda arrintan.