Ciyaaryahan John Terry oo diyaar u ah kulanka lugta labaad ee semi-final-ka Champions league 

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay kulanka Arbacada soo socota ay kooxdiisa la ciyaari doonto lugta labaad ee semi-final-ka Champions League kooxda Atletico Madrid.

Xiddigii hore ee xulka qaranka England ayaa la filayay inuu kooxdiisa ka maqnaado dhowr toddobaad,  kadib markii dhaawac ka soo gaadhay cagta hore ee Salaasadii  la soo dhaafay kulankii lugtii hore ee bar-bardhaca goolal la’aanta ku soo idlaaday.

Si kastaba, The Mirror ayaa sheegtay inuu difaacan caafimaadkiisa taam yahay isla markaana haatan diyaar u yahay inuu ka hor tago markii ay soo booqato kooxda haatan hogaamineysa horyaalka dalkaasi Spain ee La liga. Inkastoo warkan uu yahay war u wanaagsan kooxda Chelsea balse Terry ayaa nasiib-daror qeyb ka ka noqon doonin ciyaartooyda Chelsea ay Axada soo socota u safri doona Liverpool.