11:47 pm - Monday May 29, 2017

Ciyaaryahan ka bad-baaday shilkii diyaaradda Kolombiya oo la filayo inuu Dib garoomada ugu soo noqdo

Aidarous
ciyaaryahan-ka-badbaaday-shilkii-diyaaradeed-ee-colombia

Ciyaaryahan reer Brazil ah oo ka badbaaday diyaaraddii ku burburtay Kolombiya Isniintii ayaa soo kabanaya waxaana laga yaabaa in uu dib ugu soo noqdo ciyaaraha, sida uu sheegay aabihii.

ciyaaryahan-ka-badbaaday-shilkii-diyaaradeed-ee-colombia

31, sano, jir, Helio Hermito Zampier Neto, oo difaaca uga ciyaara kooxda shilkaas ku madhatay ee Chapecoense, ayay dhakhaatiirtu sheegeen in qaliin laggaga sameeyay sambabka, lawga, madaxa iyo gacan balse xaaladdiisa caafimaad ay aad uga soo raynayso.

Shan qof oo kale ayaa ka badbaaday burburka diyaaraddaas oo ay ku naf waayeen 71 ruux.

Saraakiisha wadanka Kolombiya waxay sheegeen in ay sii kordhayaan cadaymaha muujinaya in diyaaraddu ay shidaal la’aan noqotay ka hor intii aanay bur-burin.

Cod la baahiyay ayaa laga maqli karaa duuliyihii diyaaradda oo ku calaacalaya in diyaaraddu aanay haysanin ama ku jirin shidaal ku filin.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Baadhitaano Musuq Oo Lagu Sameeyey Didier Drogba

Messi, Ronalod Iyo Griezmann Oo Isugu Soo Hadhay Abaal-marinta Xiddiga Dunida

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com