11:28 pm - Sunday July 23, 2017

Ciyaaryahan Lampard Oo qiray in Chelsea ku qaldanayd Iibitaankii Sturridge

Khadar Dirir

 

Xiddiga khadka dhexe ee ka tegey Chelsea Frank Lampard ayaa rumeysan in kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge ay ku qaldanayd iibintii Daniel Sturridge ay ka iibisay Liverpool. Weeraryahanka xulka qaranka dalka England ee Daniel Sturridge ayaa The Bules kaga biiray Liverpool bishii January 2013-kii, isagoo 37 kulan uu u saftay kooxda macallin Brendan Rodgers Premeir League-ga u dhaliyay 31 gool.

Qaab-ciyaareedkii uu muujiyay weeraryahankan ayaana u sahashay in sannadkan looga yeedho Koobka Adduunka ee dhaci doona Brazil, wiilkii hore ee ku soo tababartay kooxda Manchester City ayaa u muuqda inuu sanadkan fure u noqon doono xulka Roy Hodgson “Waxaa laga yaaba inay ahayd  ganacsi aan u wanaagsanayn Chelsea, Waxay u egtahay mid xun marka aad dib u eegto, laakiin waqtigaas ma ogaan kartid. Isaga shaqsiyadiisa waxay u ahayd wax wanaagsan inuu ka dhaqaaqo Chelsea, maxaa yeelay? Ayuu Lampard u sheegay Sunday Mirror.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Qosol: Wariye isku qalday magacyadda Steven Gerrard iyo Frank Lampard

Kooxaha AS Roma iyo AC Milan Oo heegan ugu jira laacib ka tirsan  kooxda Valencia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: