Ciyaaryahan Paul Scholes oo ku dooday in England ay soo man-guuriso qaab ciyaareedka Liverpool

Halyeeygii hore ee kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa rumeysan si England ay meel wanaagsan ka soo gaadhay  dhacdada koobka adddunka ee FIFA World Cup 2014 oo bisha soo socota ka furmaya Brazil in macallinka xulka qaranka dalka England Roy Hodgson uusoo minguuriyaa qaab ciyaareedka weerarka ku dhisan ee kooxda Liverpool.

Hadalka Paul Scholes ayaa imaanaya xilli kooxda Reds ay labo dhibcood oo kaliyah u jirsatay ku guuleysiga horyaalka Premeir League xilli ciyaareedkii dhamaaday, iyadoona ciyaartoooyda kooxda Liverpool ka tirsan oo u ciyaaraya England ay kamid yihiin Raheem Sterling, Daniel Sturridge iyo Jordan Henderson.

Scholes ayaa la dhacay ciyaareedkii kooxdan ka dhisan gobalka Merseyside-da, isagoona rumeysan in England ay kusoo bilaawdo ciyaarta ugu soo horeysa ay la ciyaari doonto kulankeeda furitaanka dalka Italy shan ciyaartooy oo tirsan Liverpool ah oo lagu sii daray kabtan Steven Gerrard. England ayaa kulanka ugu soo horreeya waxay tartanka koobka adduunka ee FIFA World Cup 2014 Manaus 14-ka June kula ciyaari doonta xulka qaranka Italy.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Goolhaye caan ah Oo qalqaalo ugu jira soo xero-gelinta ciyaaryahan Fabregas

Mid ka mid ah ciyaaryahanada RealMadrid oo u ka soo yeedhay hadal xaada ku dhaqaajinaya 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com