1:19 pm - Saturday June 24, 2017

Ciyaaryahan Weyne Rooney Oo hadal ka soo Yeedhay Paul Scholes ku tilmaamay Hal bacaad lagu lisay 

Khadar Dirir

 Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka Ingiriiska  ee “Wayne Rooney” weerarka uga yimid saaxiibkii Paul Scholes oo sheegay in hoos u dhac weyn ku yimid Rooney geesinimana looga baahan yahay tababare Hodgson, laakiin Rooney wuxuu yidhi wax dana kama lihi hadalka Scholes.

Rooney ayaa la kulmay eedeymo kala duwan kulamadii saaxibtinimo ee xulkiisu ciyaaray ka hor koobka aduunka, wax la sheegi karana sooma bandhin Rooney.

Isagoo hadalkaan ka jawaabaya wuxuu yidhi ” Wax iga galay malaha hadalada ay sheegayaan dadka qaar, waxaan ku camal falayaa kaliya hadalka Roy Hodgson iyo dadka ila jooga.

Waxaa xusid mudan inaan Rooney qaab ciyaareed wanaagsan kasoo bandhigin xulka Ingiriiska wixii ka dambeeyay 2004 xiligaas oo 17jir uu ahaa, isagoo la kulmay dhaawacyo dhowra 2006 iyo 2010,  sidoo kale labadi kulan ee ugu horeysay koobka yurub 2012 kama qeybgelin ganaax dartii.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Alex Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Milan

Ciyaaryahan Ivan Rakitić Oo Qandaraas shan sanno ah ugu biiraya kooxda  Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: