3:09 am - Sunday June 25, 2017

Ciyaaryahanada Somaliland U Matali Doona Tartanka Kubada Koley-ga Ee Badhtamaha & Bariga Afrika Oo La Soo Saaray

Aidarous

Hargeysa – Tobaraha Kooxda Kubadda Kollagya ee Casimadda Hargeysa Axmed Mohamed Yusuf (Bande) iyo Musaacidkiisa Siciid Cabdi Muxumed Xarbi ayaa doraad shaaciyay liiska matali doona casimada Jamhuuriyada Somaliland oo markii sadexaad oo xidhiidha lagu marti qaaday tartankan oo sanadkan bishiisa 5aad ka dhacaya Casimada dalkaTansania ee Darussalam.

Kooxda ka socota Somaliland ayaa tartankan markii ugu horeysay ka qayb gashay sanadkii 2012 oo lagu qabtay Casimadda dalka Uganda ee Kampala, sidoo kale kooxdani waxay ku fashilantay inay kaqayb gashay tartankan sanadkii 2013 oo lagusoo casuumay.

Tartankan oo sanad kasta lagu qabto mid kamid ah casimadaha wadamada barriga iyo Badhtamaha afrika ayaa markii ugu horeysay oo ahayd 1998 laga bilaabay isla magaalada Darusalam ee uu tartankani ka dhacayo sanadkan, markaliyana tartankani muu qabsoomi waayin ilaa sanadkaasi waana markii 16aad oo xidhiidha oo uu tartankani qabsoomo.

Magacyada liiska ciyartoyga:

1: Amiin Cali Nuur ( Kooxda Asluubta)

2: Abdirisaq Aadan Warsame (Kooxda Gaashan)

3: Ahmed Abdirashid (Kooxda Asluubta)

4: Abdi Ismail Muumin (Boorama)

5: Abdirisaq Feisal Xariir ( Kooxda Asluubta)

6: Ahmed Cumar Elmi (Kooxda Asluubta)

7: Hamse Guuleed Xusein ( Kooxda Asluubta)

8: Khaalid Ahmed Farah (Kooxda Gaashan)

9: Maxamuud Abdirahma Hassan (Kooxda Gaashan)

10: Mustafe Hassan Abdilahi (Kooxda Gaashan)

11: Ridwaan Ahmed Shadhay (Kooxda Iftin ee Wasarada Waxbarashada)

12: Yuusuf Maxamed Salad(Kooxda Gaashan)

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Busquets Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Saxaafada, Dafirayna Fal Uu Si Cad U Sameeyey, Xaqiraadna Ula Badheedhay Kooxda Real Madrid

Fifa Oo Haweenka Islaamka U Ogolaatay Inay Ku Ciyaari Karaan Masarka (Asturnaanta Timaha)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: