Ciyaaryahanadda Cristiano Ronaldo, Arbeloa, Marcelo, Khedir Oo seegay finalka copa del Rey

 

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa wali sii wata soo kabshada uu ugu jiro dhaawicii ka soo gaadhay  jilibka, mana ciyaari doono Final-ka Copa del Rey oo ay ka hortagayaan Barcelona. Sidaas oo ay tahay Cristiano Ronaldo ayaa la safray kooxdiisa si uu dhiiri-geliyo, kaasoo sidoo kale safarkan ay ku wehelinayaan xiddigaha kale ee ka dhaawacan kooxda.

Sida ay warinayaan majaladaha maalinlaha ah ee ka soo baxa Spain oo ay ugu madax fiiqan tahay AS, Cristiano ayaa dooneyn inuu dhaawaca ka soo gaadhay jilibka ku seego kulamada ugu soo horreeya ee kooxdiisa ay ciyaarayso sida kulanka Toddoobad  soo socda Semifinal-ka Champions League oo ay soo dhaweynayaan Bayern Munich, waxaana uu qeyb ka yahay ciyaartoyda u safartay Valencia. Ciyaartoyda Real Madrid ayaa tababarkii ugu dambeeyey  oo ay ku qaadanayaan magaalada Valencia, iyadoo ciyaartoy ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Arbeloa, Marcelo, Khedira  ay halkaas u joogaan inay dhiiri geliyaan kooxdooda.’

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Granada Oo Ku Tumatay Barcelona Iyo Madawga Daboolay Hiigsigii Hogaanka ee Blaugrana

Walaalka la dhashay Zlatan Ibrahimovic Oo loo Aasay qaabka Muslimiinta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com