3:03 pm - Thursday August 23, 9500

Ciyaaryahanadda Lionel Messi, Iker Casillas, Bastian Schweinsteiger iyo Zinedine Zidane Oo Tijaabiyey kubadda lagu ciyaari doono K/Adduunka

Khadar Dirir

Shirkadda Qalabka Isboortiga samaysa ee Adidas ayaa soo bandhigtay Kubadda gaarka ah ee lagu ciyaari doono dhammaadka Koobka Adduunka ee Rio de Janeiro.

Kubaddan oo lagu magacaabo (Barazuca Final Rio) oo ka kooban Midabada Cagaarka iyo Dahabiga ayaa 13 July waxaa ku ciyaari doona labada kooxood ee u soo baxda Final-ka, waxaana kubadda lagu tijaabiyay Horyaallo badan ka hor intii aan loo dooran in lagu ciyaaro Koobka Adduunka sida Horyaalka Jarmalka iyo Horyaalka Mareykanka, waxaana ku ciyaaray in ka badan 600 ciyaartooy.

Kooxaha caanka ah ee Yurub ee kubaddan labada sano iyo bar-ka laga soo shaqeynayay soo isticmaalay waxaa ka mid ah; AC Milan, Bayern Munich iyo kooxaha Ameerika sida LA Galaxy, Palmeras iyo Fluminenese. Dhinaca kale ciyaartoyda ku ciyaartay kubaddan waxaan iyagana ka mid ah; Lionel Messi, Iker Casillas, Bastian Schweinsteiger iyo Zinedine Zidane ootijaabo gaar ah ka qaaday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Koox sabab la Yaab leh loogu diiday ka qaybgalka Europa League & Mulkiilaha kooxda Oo furka tuuray

Xidhiidhka K/cagta ee UEFA Oo xidhaya qayb ka mid ah Garoonka Realmadrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: