Seedorf : “ Ac Milan Iyo Manchester United Isku Xaalad Ayay Ku Jiraan.”

Tababaraha MilanTababaraha kooxda AC Milan, Clarence Seedorf ayaa aaminsan in ayaandarada ku habsatay kooxdiisa xili ciyaareedkani ay la mid tahay mida haysata kooxda horyaalnimada Ingiriiska Difaacanaysa ee Manchester United.

Ciyaaryahankan hore ee xulka Netherland, ayaa hogaaminta kooxda kala wareegay tababarihii hore ee naadiga the Rossoneri ee Massimiliano Allegri badhtamihii bishii January kadib markii kooxdu ka soo rayn wayday masiibo bilowgii horyaalkaba la kowsatay.

Laakiin inakastoo ay kooxdu kaga adkaatay naadiga Fiorentina 2-0 kulankii horyaalka Serie A ee habeenimadii Arbacadii, hadana Seedorf wuxuu dhinac isaga leexiyey eedaymaha sheegaya inaanay Milan xejisan karin sii haysashada guusha, waxaanu sheegay inuu u baahan yahay wakhti uu ku sal dhigo sida uu Tababare Moyesba ugu qabo baahi ah wakhti la siiyo.

Isagoo arimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi: “AC Milan, waxay lamid tahay Manchester United, labada kooxoodba waxay ku jiraan xaalad kala guur oo adaygeeda leh, laakiin waxaan hubaa inay wali haystaan hankii iyo sharaftii ay markale ku muujin lahaayeen awoodooda.

“Wey iska cadahay , wakhtiyadan oo kale in loo baahan yahay dulqaad , waxaanan filayaa inay taageerayaashu arki doonaan ballanqaadkayaga oo dhaboobay. Waxaan ahay shaqsi barbartaagan oo ku dhegan xal u helida mustaqbalka Milan.”

Kooxda Milan ayaa kaga jirta horyaalka Talyaaniga ee Seria A, kaalinta 12 aad , waxaanu wali mugdi weyni kaga jira u soo bixida Horyaalka Yurub ee Champions League.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luis Suárez: Oo Macasalaamaynaya England

Guus Hiddink Oo Loo Sii Doortay Tababaraha Xulka Holland

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com