9:41 pm - Saturday July 22, 2017

Claudio Ranieri Oo Ka Hadlay Inuu Qabanayo Shaqada Xulka Qaranka England

Abdiwahab Ahmed

ranieri

Tababaraha kooxda Leicester City oo ka mid ah dadka la sheegayo inay u sharraxan yihiin inay beddelaan Sam Allardyce oo la caydhiyey Salaasadii markii ay ku soo baxeen fadeexado, ayaa ka hadlay waxa uu ka yeelayo haddii xidhiidhka FA ay soo hordhigaan dalab ah inuu qabsado xulka ugu dhaqaalaha badan ee England.

Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa saaka bogaggooda hore ku daabacay in Ranieri ay suurtogal tahay in loo magacaabo shaqada xulka England, isla markaana uu iska casilo kooxda uu guulaha taariikhiga ah gaadhsiiyey ee Leicester City.

Ranieri oo warbaahintu weydiisay hadallada suuqa ku jira ayaa sheegay in aanu jeclayn maqalka wararkaas oo uu tibaaxay in aanu waxba kala soconin balse uu suuqa uun ka maqlayo.

Waxa uu xusay in xidhiidhka kubadda Cagta FA aanu wax xidhiidh ah la samaynin, niyaddana aanu ku haynin in uu ka tago kooxdiisa Leicester City.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

5 Arrimood Oo Laga Bartay Ciyaartii Real Madrid iyo Borussia Dortmund

Atlético Madrid v Bayern: Hordhaca ciyaarta xiisaha Leh ee Caawa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: