Kooxda haysata horyaalka kubadda kolayga waddanka Maryanka ee Cleveland Cavaliers ayaa guul-darro la kulantay kulankii labaad oo xidhiidh ah horyaalka NBA-da, kaddib markii ay Portland Trail Blazers sida daadka u jiidhay.

Portland Trail Blazers ayaa 102 dhibcood ku hubsatay shabaqa Cleveland Cavaliers, laakiin wiilasha laga badiyey habeenkii labaad ee Cavs ayaa la yimid 86 dhibcood oo kaliya.

Afarta qaybood ee ciyaarta ayaa dhamaantood waxa guuleysatay Portland Trail Blazers, waxaana la arkayey wiilasha uu hormoodka u yahay James oo garoonka ku dhex asqoobay.

Qaybta koowaad ayaa waxay ku dhamaatay 27 dhibcood oo ay heshay Portland iyo Cleveland oo 20 la timid, laakiin qaybta dambe ayaa natiijo la isku dhow yahay oo ah 21-24 ay ku badisay Portland, qaybta saddexaadna 29-25 ayey Portland guushu ku raacday, halka qaybta ugu dambaysa ee afraadna lagu kala baxay 29-25. Isu-geyn, natiijada ciyaartu waxay ku dhamaatay 102 dhibcood oo ay guushu ku raacday Portland Trail Blazers iyo Cleveland oo guul-darradii labaad oo xidhiidh ah ay ku habsatay.

Intii ay ciyaartu socotay, guul-darrada waxa u dheeraa Cleveland in uu ka dhaawacmay halyeygooda Love.

Halkan ka daawo goolashii ciyaarta