Colin Kaepernick: Ciyaartoygii Uu Weeraray Madaxweyne Trump Oo Dacwad Ku Oogaya Mulkiileyaasha Kooxaha NFL Oo Diiday Inuu U Ciyaaro

Colin Kaepernick oo ah ciyaartoygii bilaabay mudaharaad ka hillaacay dalka Maraykanka oo ay kaga daydeen dhamaan ciyaartooyada kubadda cagta Maryakanka ee loo yaqaano NFL, ayaa maxkamad ku daalla dalkaas u gudbiyey dacwad ka dhan ah mulkiileyaasha kooxaha NFL, kaddib markii ay heshiis la saxeexan waayeen.

Colin Kaepernick oo ah 29 jir, ayaa uu bishii March dhamaaday heshiis uu kula jiray kooxda San Francisco 49ers, kaddibna dhamaan kooxaha ayaa ka gaabsaday inay xidhiidh la sameeyaan, waxaanu iska joogaa wakhtigan isaga oo aan haysan koox uu u ciyaaro. Arrintan ayaa ka dhalatay markii uu bishii August ee sannadkii 2016 fadhiistay wakhti la shiday heesta calanka Maraykanka, taas oo uu ku muujinayey in dadka Madow lagula kaco faquuq iyo cunsurinimo Maraykanka gudihiisa, hase yeeshee, dad badan ayaa kaga dayday, balse madaxweyne Donald Trump ayaa si adag u weeraray ciyaartoygan.

Bishii September ee sannadkan ayaa uu Trump si toos ah u sheegay in Kaepernick uu ixtiraami waayey heesta calanka, taas daraadeedna ay tahay in dalka laga caydhiyo, balse waxa arrintan ka dareen celiyey ciyaartooyada kooxaha NFL-ka, NBA-da, iyo Baseball, kuwaas oo dhamaantood jilibka dhulka dhigay markii la shiday heesta calanka.

olin Kaepernick ayaa uu qareenkiisu sheegay Axaddii inuu dacwad ka gudbiyey dhamaan kooxaha kubadda NFL, kuwaas oo iyagoo ka dareen celinaya mudaharaadkiisii diiday inay heshiisyo la galaan, waxaana uu dacwaddiisa u cuskaday xeerka CBA.

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sool: Isu-duwaha Ciyaaraha Oo Soo Bandhigay Qorshe Lagu Horumarinayo Ciyaaraha

Green Bay Packers: Aaron Rodgers Oo Dhaawac Muddo Dheer Ah Ku Maqnaanaya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com