Colombia Oo Kabaha La Dul-martay Ivory Coast (Sawiraddii Ciyaarta)

Xulka Colombia ayaa ku durduriyey kulankoodii labaad ee ciyaaraha koobka aduunka ee Group C oo wacdaro 2-1 kaga dul talaabsaday qaranka Afrika ugu xooga badan sanadka ee Cote d’Ivoire.

James Rodriguez iyo Fernando Quintero ayaa ka caawiyey xidigaha lagu naanayso Los Cafeteros inay 2-0 ku dhaafaan qaybtii dambe ee ciyaarta, ka hor intii aanu weeraryahan Gervinho u saxeexin Ivory Coast goolka madiga ah ee ay garoonka kala dareereen.

Group C oo ay ku wada jiraan , Colombia, Cote d’voire, Japan iyo Greece, ayaa xulka koonfurta qaarada America ka socda noqonayaa mid u gudbay heerka labaad ama 16 ka tartanka koobka aduunka , halka qaranka Afrika ka socda uu ilaa hada kaalinta labaad ku haysto 3 dii dhibcood ee uu ka helay ciyaartii furitaanka ee Japan.

Greece iyo Japan ayaa wada ciyaari doona caawa xiliga dambe , waxaana ilaa hadda rajo leh Ivory Coast oo ciyaarteeda saddexaad la leh Greece.

Colombia oo Kabaha la dulmartay Ivory Coast 1 Colombia oo Kabaha la dulmartay Ivory Coast 2 Colombia oo Kabaha la dulmartay Ivory Coast 3 Colombia oo Kabaha la dulmartay Ivory Coast 4 Colombia oo Kabaha la dulmartay Ivory Coast 5 Colombia oo Kabaha la dulmartay Ivory Coast 6

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Vicente del Bosque

Vicente del Bosque Oo Khalkhalkii Buskii Xulka Chile Iska Fuulay

Uruguay 2-1 England: Suarez Oo Dhirbaaxo Xun Ku Dhuftay Ingiriiska

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com