Copa Italia Final : Taageere Rasaas Lala Dhacay Iyo Rabshado Xoogan Oo Ciyaartii Napoli Iyo Fiorentina Hakad Galliyey

Qof taageere ah ayaa xaaladiisa laga dayrinayaa, qaar kalena waxaa la sheegay inay dhaawacyo fududi ka soo gaadheen , rabshado rasaas nool la isu adeeg saday oo dhex maray ciidamada amaanka iyo koox taageerayaal ah oo u daawasho tagayay ciyaartii Finalka Coppa Italia ee Xallay ku dhex martay Labada kooxood ee Napoli iyo Fiorentina garoonka Stadio Olimpico ee magaalada Roma, caasimada wadanka Talyaaniga.

Coppa Italia Fan-shot-300x168 Copa itaaliya Sida ay qortay jariidada Corriera della Sera, kooxo rabshad wadayaal ah ayaa weerar ku ekeeyey ciidamada Poliiska ee xaafada Viaduct, waxaanu wargeysku sheegay in dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo Roma ka tirsan.
Wararka ilaa hada la helayo ayaa xaqiijinaya in nin 31 jir ah oo laba xabadood ku dhaceen loo qaaday cusbitaalka , halka dhowr kalena oo la sheegay inay dhaawacyo fudud qabeen iyagana la dhigay cisbitaalada.
Rabshadaha iyo qaska ay abuureen taageerayaasha labada dhinac ee rabshada ku caanka ahi , ayaa hakad galliyey in ku dhow saacad in dib loo dhigo ciyaartii ka dhacaysay Garoonka Olimpico ee Roma oo ahayd kulankii Finel ka ee Coppa Italia.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawacyada iyo khasaaraha ka dhashay rabshadahaasi inta ay leegyihiin.
wakaalada wararka ee wadanka Talyaaniga oo magaceeda loo soo gaabiyo ANSA ayaa ku warantay in tirada dadka ku dhaawacmay ay yihiin 2 qof , halka warar kale oo warbaahinta kala duwani qoraysana ay sheegayaan in tirada waxyeeladu ay aad uga badan tahay intaasi , laakiin dadka xaaladoodu khatarta tahay ay labadaas qof u badan tahay tiradoodu.

Kooxda Napoli ayaa ku guulaysatay koobka Coppa Italiya kadib markii ay ku garaacday 3-1 naadiga Fiorentina Xallay.

Coppa-and-Olimpia

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Giggs oo Ku Kufay Old Traford – Cardiff & Fulham Oo ka dhacay Tareenka Priemier League

Xanta: Robben oo Man Utd ku soo socda Iyo Rooney oo PSG lala xidhiidhinayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com