Costa Oo Chelsea U Bedbaadiyey Guushii Sagaalaad Oo Xidhiidh Ah

Chelsea ayaa dib ugu ruqaansatay hogaaminta horyaalka Ingiriiska ee Premier League guushii sagaalaad oo xidhiidh ahna horyaalka, ciyaar Diego Costa uu ka xareeyey goolka kala furashada kooxda West Ham oo marti ugu ahayd geggida Stamford Bridge.

Laacibka reer Spain, wuxuu goolka dhalintiisa uga faa’iidaystay khalad uu sameeyey Gareth McAuley daqiiqadii 76 aad ee kulanka.

West Brom waxay u muuqatay mid xoogsanaysa dhibicda barbar dhaca, kadib markii ay u diiday Blues inay abuuraan wax ka badan hal fursad oo uu masaafo 30 yard goolka u jirta kubbad loo dhigay khatar ka galiyey David Luiz.

Chelsea ayaa mar kale qarka u saarantay inay la timaado gool, markaas oo uu N’Golo Kante kubbad uu ganay oo ku sii dhacday Pedro ay inyar u martay birta goolka.

Chelsea waxay saddex dhibcood ku qabsatay hogaaminta , iyadoo ka saraysa kooxda u soo xigta ee Arsenal halka West Brom ay ku negaatay kaalinta sagaalaad.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Goolkii Mkhitaryan Oo Kala Saaray Man United Iyo Tottenham

Live Liverpool vs West Ham United

Liverpool 1-2 West Ham

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com