Costa oo Dhaawac Looga Saaray Ciyaarta Finalka Champions League

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa 9 daqiiqo oo kaliya markii uu ciyaaray laga saaray kulankii xallay ee Champions League kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta, dhaawac dartii.

Laacibkan qaranka Spain oo in mudo ahba u dhutinayay dhaawac seeda muruqa bawdada ah, ayaa sidoo kale bedel kaga baxay bilowga ciyaartii kama dambeysta horyaalka La Ligaha ee kooxdiisa Atletico martida u ahayd Barcelona.

Shaki ayaa ku gedaanaa ka qayb galka ciyaarta finalka ee Lisbon ay wajahayeen Real Madrid, laakiin kadib markii lagu dabiibay dawaynta mandheerta faraska, Diego Simeone wuxuu goostay inuu safka hore soo dhigo kulanka Finalka ee xallay.

si kastabase ha ahaatee, Adrian ayaa booskiisa lagu soo bedelay markii ay cadaatay inaanu Costa sii wadan Karin ciyaarta, in ka yar 10 daqiiqo markii uu ku jiray garoonka Estadio da Luz.

Costa ayaa 36 gool u dhalliyey xili ciyaareedkan kooxda tababare Simeone, oo uu 8 kamid ah ka dhaliyey 8 ciyaarood oo uu u saftay horyaalka Champions League.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Champions League final: Xogo Muhiim Ah

Real Madrid oo Markii 10 aad Ku Guulaysatay Horyaalka Yurub ‘Champions League’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com